Khilaafka Cafar iyo Soomaali: Arag oo Faham Sawirka Wayn
Hassan Keynan
Khilaafka iyo colaadaha soo noqnoqda ee u dhexeeya Dawlad Degaanka Afar (DDA) iyo Dawlad Degaanka Soomaali (DDS) way ka guunsanyihiin wayna ka gudawayn yihiin sawirrada iyo sadarrada lagu daabaco warbaahinta iyo shirarka jaraaid iyo marmurtiyeedka isdaba joogga ah ee hawada la isu mariyo. Xasaradaha ka dhex oogan Cafar iyo Soomaali waxay ku daaban yihiin sababo iyo duruufo badan oo is barkan isla markaana kala duwan kalana daran. Sidaa darteed cid kasta oo danaynaysa xaajadan waxaa lagama maarmaan u ah inay indha furan ku eegto maskax furanna ku fahamto sawirka wayn. Arkidda iyo fahamka sawirka wayn waxay sahli karaan saadaalinta iyo xakamaynta xasaradaha, iyo baadigoobka xal waara. Haddaba muxuu yahay sawirka wayn? Waxaan isku dayi inaan ka jawaabo su’aashan anigoo khariidada colaadda ka taagan dhinaca Soommalida. Sababtoo ah waxaa igu jira walwal ah in labada dhinac ee hardamaya, kan hoosaasin ba’an iyo haliso daran ay ku fooraraan uu yahay dhinaca Soomaalida. Sawirka wayn wuxuu kulmiyaa qodobbo aasaasiya oo salka ku haya juqraafi, taariikh, isir, degaan, cimilo, siyaasad, amni, dhaqaale, iyo khayraadka dabiiciga ah. Qodobbadan waxay isugu jiraan qaar gooni u ah labada dawlad degaan, qaar khuseeya Itoobiya inteeda kale, iyo kuwo leh xididdo dhaadheer oo ku teedsan xudduudaha iyo xeebaha Geeska Africa. Mararka qaar qodobbadan waxay dhiirrigaliyaan xidhiidho ama is-bahaysi fududayn kara faragalin iyo saamayn caalamiya. Qodobbada ugu mihimsan waxaa ka mid ah:
Qaaciddada mariidka badan ee Abassinya/Itoobiya: Taaariikhda iyo siyaasadda Itoobiya waxaa saldhig u ah qaaciddo mariidbadan oo lagu faquuqo laguna dibindaabyeeyo qowmiyadda iyo isirka Soomaalida. Xukuumad walba oo Itoobiya ka curata waxay xiriirka Soomaalida ku eegtaa muraayadaha qaaciddadan. Qaaciddadan waxay ku qotontaa laba tiir oo muhim ah. Kow, Soomaalidu inay is layso oo is dullayso si looga ilaaliyo muwaafaqo iyo midnimo ummadeed iyo koboc dhaqaale. Laba, haddii Soomaali iyo qowmiyad kale oo Itoobiyaan ah ay is-qabtaan ama dagaallamaan, waa in xukuumadda iyo dhammaan qowmiyadaha kale ay u midoobaan kana hiiliyaan Soomaalida. Waad arki madax iyo siyaasiyiin ka soo jeeda dawlad dagaannada Axmaaro, Tigray iyo Oromo iyo warbaahintooda oo taageeraya ama u ololaynaya hadba shaqsiga Madaxwaynaha ka ah DDS ama shaqsiyaad iyo kooxo tilmaaman oo dana gaara laga leeyahay. Laakiin marna arki maysid maqlina maysid madax, siyaasiyiin iyo xataa shacab Itoobiyaan ah oo taageeraya, daafacya ama ugu yaraan ixtiraam u haya qaddiyadaha masiiriga ah ee qowmiyadda Soomaalida. Horraantii 1990aadkii ayuu mid ka mida Mdawaynayaashii DDS isku dayay inuu la garramo Meles Zenawi. Wuxuu ka cawday sababta Soomaalida loogu qoondeeyay 23 xildhibaan oo federal ah, iyadoo tirakoobka ay xukuumaddu samaysay uu u oggolaanayo tiro intaa ka badan. Soomaalidu waqtigaa waxay ahayd qowiyadda 3aad xagga tirade dadka. Jawaabtii Meles waxay noqotay mid fudud, qayaxan, oo degdeg ah; oo aad mooddo inuu dusha ka xafidsanaa. “Haddii 50 xildhibaan la idin siinaya waxba idiin kordhin mayso.” Jawaabta Meles waa jawaabta uu hoggaamiye walba oo Itoobiyaan uu u hayo Soomaalida. Waa jawaab ka falkisan qaaciddada mariidka badan ee Abasiinya/Itoobiya oo u aragta kuna xukuntay isirka Soomaalidu inuu yahay mid halis ku ah jiritaanka Itoobiya. Tusaale: Xildhibaannada federaalka ee DDS way ka tira badanyihiin kuwa Cafarta. Aqalka Sarena waxaaba Afhayeen ka ah Mudane Adan Faarax oo ka soo jeeda degaannadda xudduudda la leh Cafarta. Haddana markaad eegto doodaha Baarlamaanka waxaa ku cadcad mar walbana ay tooda noqotaa Xildhibaannada Cafarta. Cafartu waxay mar walba Soomaalida ku shaabadeeyaan eedaymo halis ah, sida: waxay u dagaallamayaan Soomali wayn, waxaa nala dagaallamaya waa ururka argaggixisada ah ee Al-Shabaab, ama Soomaalidu waa soo galooti. Eedaymahan waa been abuur iyo mu’aamaro, laakiin waxaa laga soo minguuriyay qaaciddada mariidka badan iyo sheeka xariirada qaran (national narrative) ee Itoobiya. Waa dhagar lagu beerlaxawsan karo hiilna looga heli karo qowmiyadaha kale. Waa nadir inaad aragto Xildhibaan ama siyaasiyiin kale oo Soomaali ah oo ku dhiirrada inuu matalo ama daafaco xuquuqaha iyo danaha Soomaalida qowmiyad ahaan. Sababtoo ah waxaa qoorta loo galiyay ama ay iskood luqunta u sudheen qardhaas ka tolan minhajka qaaciddadii mariidka badnayd. Qaaciddadan waa mid guun ah oo ay allifeen kaadiriintii Abasiiniya Itoobiyana ay dhaxashay. Waa qaaciddo ku salaysan fikrado iyo aragtiyo duug ah oo daxalaystay, isla wayni iyo kala sarrayn, midab takoor, faquuq, iyo isir nacayb. Qaaciddadan waxay madaxda, kaadiriinta iyo hay’adaha dawliga ee Itoobiya ku beertay sas iyo isir nacayb ku wajahan qowmiyadda Soomaalida (Somalophobia), taasoo sababtay in xukuumadihii Itoobiya ay ka kula kacaan degaanka iyo dadka Soomaaliyeed ciqaab wadareed isugu jira midab takoor, cunaqabatayn iyo mooraduug dhaqaale, iyo gabbood fallo, gumaad iyo dambiyo dagaal oo dunida nadir ku ah. Hase yeeshee, ololaha isir nacaybka Soomaalida, ma noqon mid ay Itoobiya ku liibaantay. Xaqiiqdii, saska iyo colaadinta joogtada ah ee u wajahn Soomaalida qiima culus ayay ugu kaceen Itoobiya, khasaarooyin badan oo ba’an ayayna ka dhaxshay dhan siyaasadeed, amni, horumar, dhaqaale, dibloomaasiyad, iyo maamul wanaag. Ayaan darrada ugu waynine waxay tahay ma aanay gaarin koritaan iyo bisayl ay isaga xorayso qaaciddadan mariidka badan ee la dagtay. Siyaasiyiinta iyo wax gardka Soomaaliduna kuma aanay guulaysan inay wax ba baddalaan saska iyo isir nacaybka loola fadhiyo qasriga Menelik.
Juquraafi iyo Degaan isku dhacyada Cafarta iyo Soomaalida waxaa iyagana saamayn karaa xaqiiqooyin iyo duruufo salka ku haya juquraafi iyo degaan. Dawlad Degaan Cafarta (DDC) wuxuu xuduudo dhaadheer la leeyahay afar dawlad degaan: Axmaaro, Oromo, Tigray, iyo Somali. Tirada dadka ku nool Itoobiya oo lagu qiyaaso 112 million (2019), 76 million (68) waxay ka soo jeedaan saddexda hore. Waana qowmiyadaha udub dhexaadka u ah Itoobiyada casriga ah. DDC waxaa kale oo uu xuduudo caalamiya la leeyahay Jabuuti iyo Eritrea. Labadan dalna waxaa deggan oo miisaan wayn ku leh Cafar badan. Dulucda iyo ahmiyadda qodobkan waxaa weeye, qaddiyadaha DDC waxay ku daaban yihiin xiriir derisnimo ee ay la leedahay saddexda qowmiyadood oo ugu tun way uguna saamayn badan Itoobiya iyo xudduudaha caalamiga ku xidha Jabuuti iyo Eritrea. Waa fursado waawayn iyo kaarar siyaasadeed oo muhim oo ay DDC mar walba ku xisaabtanto kuna hawl gasho. Tusaale waxaa noqon kara dagaalka ka socda Tigray. Xoogagga isku haya dagaalka – Xukuumadda RW Abiy Ahmed, ciidamada iyo maliishiyaadka dawlada degaan Axmaarada, TPLF iyo Dawladda Eritrea -intuba way daneeyaan wayna ku xisaabtamaan muhimadda istraatajiga ah ee dawlad degaanka Cafarta. Madaxda iyo siyaasiyiinta Cafartana way yaqaannan sida iyo habka ugu fiican ee ay fursadahan uga faaiidaysan karaan iyo qiimaha ugu sarreeya ee ay ku baayici karaan. Shaki kuma jiro in Cafartu ay xiriirradan iyo fursadahan istraatajiga ah u adeegsanayo loollanka siyaasadeed iyo muranka dhuleed ee ka dhex oogan iyaga iyo DDS.
Maamulka Dire Dawa: Dire Dawa waa magaalada labaad ee ugu wayn Itoobiya waxayna leedahay maamul badax bannaan oo uu Dastuurka Federaalka ah ku maamusay iyada iyo caasimadda Addis Ababa keliya. Dire Dawa waa god ka mid godadka shaxda dhextaalla Cafar iyo Somali. Laba muhimad ayay leedahay. Kow, maamulka Dire Dawa iyo golaha degaanka waxaa qaybsada Oromo iyo Soomaali. Qaybta Soomaalida waxaa mar walba matala masuuliyiin Ciise ah oo u diiwaangashan reerka ugu tirabadan Soomaalida degta magaalada, dhinacyada siyaasadda, maamulka, iyo dhaqaalahana ugu miisaan wayn. Laba, Dire Dawa waa magaalada isku xirta Itoobiya iyo dekadda keliya ee ilaa hadda ay wax ka dhoofiso waxna kala soo degto: Jabuuti. Sidoo kale Dire Dawa waa saldhigga ugu wayn iyo halbawlaha istraatajiga ah ee Tareenka isaga goosha Jabuuti iyo Addis Ababa. Waxaa jira qodob saddexaad oo lagu dari karo. Dire Dawa, Jabuuti iyo degaannada u dhexeeya waxay leeyihiin xiriir taariikhiga iyo mid istraataji ah oo wax wayn ku kordhiyay magaca, miisaanka, iyo saamaynta Ciisaha dega Itoobiya iyo Jabuuti, gaar ahaan xiriika ka dhexeeya iyaga iyo Cafarta ay deriska yihiin. Sidaa darteed waa muhim in la ogaada xisaabtana lagu daro kaalinta Maamulka Dire Dawa uu ka ciyaari karo xallinta xasaradaha ka oogan xuduuda DDS iyo Cafarta, gaar ahaan Gobolka Sitti.
Loollan la xiriira ka faaiidaysiga kayraadka dabiiciga ah: Khilaafka Cafarta iyo Soomaalida waxaa lala xirririn karaa loollan adag oo ku wajahan khayraadka dabiiciga ah. Laba tusaale ayaa la tilmaami kara. Tusaalaha koobaad waa biyaha oo ah maaddo daruuri u ah nolosha, naadirna ku ah degaanada Cafarta iyo Soomaalida. Awaash waa wabiga keliya ee mara kuna dhammaada dhulka oomanaha ah ee Cafarta iyo Soomaalida ay degaan kuna teedsan xudduudda Jabuuti. Loollan iyo siyaasado adag ayaa hareereeyay biyaha wabigan iyo laagaha iyo balliyada la xiriira. Xataa Dawladda Jabuuti ayaa qayb ka ah loollanka biyaha. Bishan horraanteedi, Madaxwaynaha Jabuuti, Mudane Ismaacil Cumare Geelle, ayaa bartiisa Twitterka qoraalkan soo dhigay:
Waxaan diiradda saari doonnaa dariiq aan biyo ku helno annagoo u marayna biyo qabatin wayn oo lagu kaydiyo biyaha dooxada Awaash. Tani waa hawlgal adag muhimna ah oo aan ugu adeegayno gobolka (3 April 2021).
Tusaalaha labaad waa dhoofinta Batroola iyo gaaska dabiiciga ah eel aga qodayo bartamaha DDS. Itoobiya, Jabuuti iyo shirkadda Poly-GCL Petroleum ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya $4 billion oo ay qayb ka tahay dhismaha 700 km oo dhuumo waawayn oo gaaska u qaada dakadaha Jabuuti. Mashruucan waxaa Itoobiya ka soo gali doona $7 billion sannad walba. Jabuutina waxay ka heli doontaa faaiidooyin waawayn sida dhismaha warshad qaboojisa gaaska dibaddana u dhoofisa. Degaannada dhuumaha la marinayo waxaa ka jira tartan adag, gaar ahaan dhulka ay isla degaan Cafarta iyo Ciisaha.
Kaarka Jabuuti: Awoodda siyaasadeed ee Jabuuti waxaa qaybsada Ciise iyo Caafar. Madaxwaynaha waa Ciise, Raisul Wasaarahana waa Cafar. Xildhibaannada Baarlamaanka iyo golaha wasiiradana si is le’eg ayay u qaybsadaan. Mar kasta oo ay siyaasadda Jabuuti kulalaato ama ay la soo dersaan duruufo adag, ololaha iyo sawaxanku kuma ekaadaan xuduudaha Jabuuti. Waxay u soo tallaabaan dhanka Itoobiya, gaar ahaan degaannada Cafarta iyo Ciisaha. Labada qoloba waxay isku dayaan inay adeegsadan xeelad kasta oo ay urkaan inay caawinayso ololahooda siyaasadeed. Laakin dawladda Jabuuti ayaa inta badan ku gacan sarraysa. Xiisaduhu waxay circa isku shareeraan xilliyada doorashada qaran ee Jabuuti. Beryahan olole doorasho ayaa ka jiray Jabuuti. Maantana waxaa loo dareeray doorashadii. Wargaysyada qaar ayaa qoray in Madaxwaynaha Jabuuti uu si ula kac ah u kicinayo Cafarta deggan Jabuuti iyo Itoobiyaba, isagoo u arkaa inay arrintan ka caawinayso in dib loo doorto markii shanaad. Haddii ay arrintan dhab tahay, waa suura gal in Ciisaha Itoobiya deggan Cafartana dersika ah iyagana lala beegsan karo abaabul siyaasadeed oo xudduudda uga soo tallaaba.
Gunaanad
Colaada u dhexaysa Cafarta iyo Soomaalida ma aha mid iska dhacda oo ku kooban degaannada iyo bulshada deriska ah. Waxay ku daaban tahay sababo, ujeeddooyin iyo duruufo is barkan oo la xiriira taariikh, juquraafi, cimilo, siyaasad, isir, dhaqaale, maamul. Mararka qaar waxay lugaha la galaysa dano iyo dalal shisheeye. Marka la isku wada daro oo miisan la saarana, culayska. Khatarta, iyo khasaaraha waxay inta badan ku dhacayaan dhinaca Soomaalida. Sidaa darteed, xukuumadda iyo waxgaradka DDS waa inay mar walba dersaan fiiro gaar ahna u yeeshaan ajendooyinka badan iyo halisaha daran ee ku hoos jira dagaal hubaysan oo lala galo qowmiyadda Cafarta. Arrinta kuma koobna qowmiyadaha Cafarta iyo Oromada oo aan xudduud la leenahay. Waxaa qayb ka noqon kara qowmiyado aan Soomaalida deris la ahayn, laakiin DDS wax ka deggen ama ka shaqaysta, dawladda Itoobiyana miisaan iyo saamayn wayn ku leh. Sababo taariikheed awgood, Axmaaro ayaa qolyahan ugu tun wayn, laakiin waxaa soo raaca dad hadda aan badnayn oo ka kala yimid shucuubta Koonfureed iyo degaanno kale. Qodobbo badan oo ay ugu horrayso qaaciddad iyo istraatajiyada ay ku dhisan tahay Itoobiya ayaa ka hiilinaya isirka Soomaalida. Dadaal iyo geesinnimo kasta oo ay ka muujiyaan saaxadda siyaasadda iyo goobaha dagaalka, waxaa mar walba Soomaalida sugaya gacan bidixayn, dhagar iyo dhabar jabin. Madaxda, siyaasiyiinta iyo waxgardka Soomaalida fikirkooda iyo aragtidooda ha isugu geeyaan inay wax ka baddalan ama meesha ka saaraan qaaciddada mariidka badan ee ku dhisan saska iyo isir nacaybka ku wajahan qowmiyadda Soomaalida. Inta taa laga gaarayo xukuumadaha DDS yayna ku degdegin ama lagu qadaanqadin colaado iyo dagaallo guul iyo guul darraba iyaga eedda la saari wax isbaddal ahna aan keenayn. Dhiig iyo maal wixii la hayo yaan lagu riiqin dagaalladan noocan ah. Istraatajadii koobaad ha ahaato in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo nabad. Tan labaad, Maamulka Dire Dawa iyo Dawladda Jabuuti qayb haka noqdan xakamaynta iyo xallinta colaadda Cafarta iyo Soomaalida. Waxaa suuragal in Dire Dawa iyo Jabuuti ay ka miisaan cuslaadaan kana saamayn waynaadaan Xukuumadda Dawlad Degaanka Soomaalida. Haddii lagu duulana in la is difaaco aadna loo yareeyo khasaaraha naf iyo maal.