,

FARMAAJO’S MONEY MAN TURNS TO SELLING SNAKE OIL

Here he goes again, again. Somalias finance guru doing what he does best: mixing imagination, fiction, and deception to finance a gigantic fraud. For four years he toured the world, paid homage to the headquarters of the World Bank, IMF, and associated lender clubs. For four years, he attended myriad multilateral and bilateral meetings and held endless press conferences and media briefings. For four years the good doctor was engaged in a charm mission that painted the image of a country under a new management, led by a dynamic enlightened leadership, and in the trusted hands of a competent, effective, and clean government. He tweeted, wrote and talked about a country with great economic prospects firmly on the path to a smooth and full recovery and uncontaminated by corruption.

Obviously, this was an exaggerated claim aimed at impressing and courting the international community in the hope that it would keep propping up the colossal fiction he and Villa Somalia have been peddling. He cared less and knew little about the country and its traumatized people. Informed foreign observers and patriotic Somalis were fully aware that the country was in a fragile state and frequently prone to multiple and devastating shocks, risks, and threats. Villa Somalia and the government it led have been blighted by endemic corruption coupled with a corrosive culture of rent seeking and impunity.

Most importantly, the federal government was confined to a few enclaves in Mogadishu which were protected by African troops contributed by poor countries led by despots and whose salaries were paid by European tax payers. Villa Somalia governs only Mogadishu and depends on revenues extracted from the inhabitants of the Capital only. In fact, Farmaajo’s money man transformed the fleecing of Mogadishu into a predatory relationship built on an extreme version of taxation not only without representation but also without protection, social services, and accountability. To this can be added the taxes levied by Al-Shabaab, which makes Mogadishu a city saddled with the heavy and horrendous burden of double taxation.

Villa Somalia’s fork-tongued money man has shown he is exceptionally skilled in begging and borrowing for a predatory cabal. He is quite adept in cooking books and crunching numbers when the figures do not add up. But his eyes do not see the rot and evil all around him, and his ears do not hear the deafening cries and gut-wrenching ululations ringing across the country. The good doctor prefers to live in and operate from a cocoon of denial and self-delusion, unable and unwilling to see the sinister plot aimed at subverting the fragile constitutional order in the country. He is blissfully unaware of the mighty rage of grief and rebellion rapidly encroaching in on the sequestered enclave inhabited by him, his boss, and other members of the predatory squad.

As if all these were not enough, Farmaajo’s money man has never given up groping for another opportunity to deceive. He just announced yet another con trick to prop up an administration that is broke, irreparably broken & now illegitimate. When the honey pot of international dole dried up, he now calls on the Somalis at home and in the diaspora to fill the coffers of a kleptocratic administration. He appeals to the tired and deeply traumatized citizens of Mogadishu and elsewhere to come to the rescue of those who impoverished and tormented them, those who wantonly breached their trust and betrayed their country. He and the system he serves are not only broke economically. They are also morally bankrupt. No amount of shame, indignity, or disgrace is big enough or too grave to poke their thick sin or prick their cold conscience.

Farmaajo’s finance guru is blessed with a special flair for creative accounting and fictitious economy laced with a generous dose of self-delusion. If Somalia were Wakanda, Villa Somalia and its money man would have won plenty of Oscars, including best screen play, best director and best actor.

 H. A. Keynan

Khilaafka Cafar iyo Soomaali: Arag oo Faham Sawirka Wayn

Hassan Keynan

Khilaafka iyo colaadaha soo noqnoqda ee u dhexeeya Dawlad Degaanka Afar (DDA) iyo Dawlad Degaanka Soomaali (DDS) way ka guunsanyihiin wayna ka gudawayn yihiin sawirrada iyo sadarrada lagu daabaco warbaahinta iyo shirarka jaraaid iyo marmurtiyeedka isdaba joogga ah ee hawada la isu mariyo. Xasaradaha ka dhex oogan Cafar iyo Soomaali waxay ku daaban yihiin sababo iyo duruufo badan oo is barkan isla markaana kala duwan kalana daran. Sidaa darteed cid kasta oo danaynaysa xaajadan waxaa lagama maarmaan u ah inay indha furan ku eegto maskax furanna ku fahamto sawirka wayn. Arkidda iyo fahamka sawirka wayn waxay sahli karaan saadaalinta iyo xakamaynta xasaradaha, iyo baadigoobka xal waara. Haddaba muxuu yahay sawirka wayn? Waxaan isku dayi inaan ka jawaabo su’aashan anigoo khariidada colaadda ka taagan dhinaca Soommalida. Sababtoo ah waxaa igu jira walwal ah in labada dhinac ee hardamaya, kan hoosaasin ba’an iyo haliso daran ay ku fooraraan uu yahay dhinaca Soomaalida. Sawirka wayn wuxuu kulmiyaa qodobbo aasaasiya oo salka ku haya juqraafi, taariikh, isir, degaan, cimilo, siyaasad, amni, dhaqaale, iyo khayraadka dabiiciga ah. Qodobbadan waxay isugu jiraan qaar gooni u ah labada dawlad degaan, qaar khuseeya Itoobiya inteeda kale, iyo kuwo leh xididdo dhaadheer oo ku teedsan xudduudaha iyo xeebaha Geeska Africa. Mararka qaar qodobbadan waxay dhiirrigaliyaan xidhiidho ama is-bahaysi fududayn kara faragalin iyo saamayn caalamiya. Qodobbada ugu mihimsan waxaa ka mid ah: 

Qaaciddada mariidka badan ee Abassinya/Itoobiya: Taaariikhda iyo siyaasadda Itoobiya waxaa saldhig u ah qaaciddo mariidbadan oo lagu faquuqo laguna dibindaabyeeyo qowmiyadda iyo isirka Soomaalida. Xukuumad walba oo Itoobiya ka curata waxay xiriirka Soomaalida ku eegtaa muraayadaha qaaciddadan. Qaaciddadan waxay ku qotontaa laba tiir oo muhim ah. Kow, Soomaalidu inay is layso oo is dullayso si looga ilaaliyo muwaafaqo iyo midnimo ummadeed iyo koboc dhaqaale. Laba, haddii Soomaali iyo qowmiyad kale oo Itoobiyaan ah ay is-qabtaan ama dagaallamaan, waa in xukuumadda iyo dhammaan qowmiyadaha kale ay u midoobaan kana hiiliyaan Soomaalida. Waad arki madax iyo siyaasiyiin ka soo jeeda dawlad dagaannada Axmaaro, Tigray iyo Oromo iyo warbaahintooda oo taageeraya ama u ololaynaya hadba shaqsiga Madaxwaynaha ka ah DDS ama shaqsiyaad iyo kooxo tilmaaman oo dana gaara laga leeyahay. Laakiin marna arki maysid maqlina maysid madax, siyaasiyiin iyo xataa shacab Itoobiyaan ah oo taageeraya, daafacya ama ugu yaraan ixtiraam u haya qaddiyadaha masiiriga ah ee qowmiyadda Soomaalida. Horraantii 1990aadkii ayuu mid ka mida Mdawaynayaashii DDS isku dayay inuu la garramo Meles Zenawi. Wuxuu ka cawday sababta Soomaalida loogu qoondeeyay 23 xildhibaan oo federal ah, iyadoo tirakoobka ay xukuumaddu samaysay uu u oggolaanayo tiro intaa ka badan. Soomaalidu waqtigaa waxay ahayd qowiyadda 3aad xagga tirade dadka. Jawaabtii Meles waxay noqotay mid fudud, qayaxan, oo degdeg ah; oo aad mooddo inuu dusha ka xafidsanaa. “Haddii 50 xildhibaan la idin siinaya waxba idiin kordhin mayso.” Jawaabta Meles waa jawaabta uu hoggaamiye walba oo Itoobiyaan uu u hayo Soomaalida. Waa jawaab ka falkisan qaaciddada mariidka badan ee Abasiinya/Itoobiya oo u aragta kuna xukuntay isirka Soomaalidu inuu yahay mid halis ku ah jiritaanka Itoobiya. Tusaale: Xildhibaannada federaalka ee DDS way ka tira badanyihiin kuwa Cafarta. Aqalka Sarena waxaaba Afhayeen ka ah Mudane Adan Faarax oo ka soo jeeda degaannadda xudduudda la leh Cafarta. Haddana markaad eegto doodaha Baarlamaanka waxaa ku cadcad mar walbana ay tooda noqotaa Xildhibaannada Cafarta. Cafartu waxay mar walba Soomaalida ku shaabadeeyaan eedaymo halis ah, sida: waxay u dagaallamayaan Soomali wayn, waxaa nala dagaallamaya waa ururka argaggixisada ah ee Al-Shabaab, ama Soomaalidu waa soo galooti. Eedaymahan waa been abuur iyo mu’aamaro, laakiin waxaa laga soo minguuriyay qaaciddada mariidka badan iyo sheeka xariirada qaran (national narrative) ee Itoobiya. Waa dhagar lagu beerlaxawsan karo hiilna looga heli karo qowmiyadaha kale. Waa nadir inaad aragto Xildhibaan ama siyaasiyiin kale oo Soomaali ah oo ku dhiirrada inuu matalo ama daafaco xuquuqaha iyo danaha Soomaalida qowmiyad ahaan. Sababtoo ah waxaa qoorta loo galiyay ama ay iskood luqunta u sudheen qardhaas ka tolan minhajka qaaciddadii mariidka badnayd. Qaaciddadan waa mid guun ah oo ay allifeen kaadiriintii Abasiiniya Itoobiyana ay dhaxashay. Waa qaaciddo ku salaysan fikrado iyo aragtiyo duug ah oo daxalaystay, isla wayni iyo kala sarrayn, midab takoor, faquuq, iyo isir nacayb. Qaaciddadan waxay madaxda, kaadiriinta iyo hay’adaha dawliga ee Itoobiya ku beertay sas iyo isir nacayb ku wajahan qowmiyadda Soomaalida (Somalophobia), taasoo sababtay in xukuumadihii Itoobiya ay ka kula kacaan degaanka iyo dadka Soomaaliyeed ciqaab wadareed isugu jira midab takoor, cunaqabatayn iyo mooraduug dhaqaale, iyo gabbood fallo, gumaad iyo dambiyo dagaal oo dunida nadir ku ah. Hase yeeshee, ololaha isir nacaybka Soomaalida, ma noqon mid ay Itoobiya ku liibaantay. Xaqiiqdii, saska iyo colaadinta joogtada ah ee u wajahn Soomaalida qiima culus ayay ugu kaceen Itoobiya, khasaarooyin badan oo ba’an ayayna ka dhaxshay dhan siyaasadeed, amni, horumar, dhaqaale, dibloomaasiyad, iyo maamul wanaag. Ayaan darrada ugu waynine waxay tahay ma aanay gaarin koritaan iyo bisayl ay isaga xorayso qaaciddadan mariidka badan ee la dagtay. Siyaasiyiinta iyo wax gardka Soomaaliduna kuma aanay guulaysan inay wax ba baddalaan saska iyo isir nacaybka loola fadhiyo qasriga Menelik. 
Juquraafi iyo Degaan isku dhacyada Cafarta iyo Soomaalida waxaa iyagana saamayn karaa xaqiiqooyin iyo duruufo salka ku haya juquraafi iyo degaan. Dawlad Degaan Cafarta (DDC) wuxuu xuduudo dhaadheer la leeyahay afar dawlad degaan: Axmaaro, Oromo, Tigray, iyo Somali. Tirada dadka ku nool Itoobiya oo lagu qiyaaso 112 million (2019), 76 million (68) waxay ka soo jeedaan saddexda hore. Waana qowmiyadaha udub dhexaadka u ah Itoobiyada casriga ah. DDC waxaa kale oo uu xuduudo caalamiya la leeyahay Jabuuti iyo Eritrea. Labadan dalna waxaa deggan oo miisaan wayn ku leh Cafar badan. Dulucda iyo ahmiyadda qodobkan waxaa weeye, qaddiyadaha DDC waxay ku daaban yihiin xiriir derisnimo ee ay la leedahay saddexda qowmiyadood oo ugu tun way uguna saamayn badan Itoobiya iyo xudduudaha caalamiga ku xidha Jabuuti iyo Eritrea. Waa fursado waawayn iyo kaarar siyaasadeed oo muhim oo ay DDC mar walba ku xisaabtanto kuna hawl gasho. Tusaale waxaa noqon kara dagaalka ka socda Tigray. Xoogagga isku haya dagaalka – Xukuumadda RW Abiy Ahmed, ciidamada iyo maliishiyaadka dawlada degaan Axmaarada, TPLF iyo Dawladda Eritrea -intuba way daneeyaan wayna ku xisaabtamaan muhimadda istraatajiga ah ee dawlad degaanka Cafarta. Madaxda iyo siyaasiyiinta Cafartana way yaqaannan sida iyo habka ugu fiican ee ay fursadahan uga faaiidaysan karaan iyo qiimaha ugu sarreeya ee ay ku baayici karaan. Shaki kuma jiro in Cafartu ay xiriirradan iyo fursadahan istraatajiga ah u adeegsanayo loollanka siyaasadeed iyo muranka dhuleed ee ka dhex oogan iyaga iyo DDS. 
Maamulka Dire Dawa: Dire Dawa waa magaalada labaad ee ugu wayn Itoobiya waxayna leedahay maamul badax bannaan oo uu Dastuurka Federaalka ah ku maamusay iyada iyo caasimadda Addis Ababa keliya. Dire Dawa waa god ka mid godadka shaxda dhextaalla Cafar iyo Somali. Laba muhimad ayay leedahay. Kow, maamulka Dire Dawa iyo golaha degaanka waxaa qaybsada Oromo iyo Soomaali. Qaybta Soomaalida waxaa mar walba matala masuuliyiin Ciise ah oo u diiwaangashan reerka ugu tirabadan Soomaalida degta magaalada, dhinacyada siyaasadda, maamulka, iyo dhaqaalahana ugu miisaan wayn. Laba, Dire Dawa waa magaalada isku xirta Itoobiya iyo dekadda keliya ee ilaa hadda ay wax ka dhoofiso waxna kala soo degto: Jabuuti. Sidoo kale Dire Dawa waa saldhigga ugu wayn iyo halbawlaha istraatajiga ah ee Tareenka isaga goosha Jabuuti iyo Addis Ababa. Waxaa jira qodob saddexaad oo lagu dari karo. Dire Dawa, Jabuuti iyo degaannada u dhexeeya waxay leeyihiin xiriir taariikhiga iyo mid istraataji ah oo wax wayn ku kordhiyay magaca, miisaanka, iyo saamaynta Ciisaha dega Itoobiya iyo Jabuuti, gaar ahaan xiriika ka dhexeeya iyaga iyo Cafarta ay deriska yihiin. Sidaa darteed waa muhim in la ogaada xisaabtana lagu daro kaalinta Maamulka Dire Dawa uu ka ciyaari karo xallinta xasaradaha ka oogan xuduuda DDS iyo Cafarta, gaar ahaan Gobolka Sitti. 
Loollan la xiriira ka faaiidaysiga kayraadka dabiiciga ah:  Khilaafka Cafarta iyo Soomaalida waxaa lala xirririn karaa loollan adag oo ku wajahan khayraadka dabiiciga ah. Laba tusaale ayaa la tilmaami kara. Tusaalaha koobaad waa biyaha oo ah maaddo daruuri u ah nolosha, naadirna ku ah degaanada Cafarta iyo Soomaalida. Awaash waa wabiga keliya ee mara kuna dhammaada dhulka oomanaha ah ee Cafarta iyo Soomaalida ay degaan kuna teedsan xudduudda Jabuuti. Loollan iyo siyaasado adag ayaa hareereeyay biyaha wabigan iyo laagaha iyo balliyada la xiriira. Xataa Dawladda Jabuuti ayaa qayb ka ah loollanka biyaha. Bishan horraanteedi, Madaxwaynaha Jabuuti, Mudane Ismaacil Cumare Geelle, ayaa bartiisa Twitterka qoraalkan soo dhigay: 

Waxaan diiradda saari doonnaa dariiq aan biyo ku helno annagoo u marayna biyo qabatin wayn  oo lagu kaydiyo biyaha dooxada Awaash. Tani waa hawlgal adag muhimna ah oo aan ugu adeegayno gobolka (3 April 2021).

Tusaalaha labaad waa dhoofinta Batroola iyo gaaska dabiiciga ah eel aga qodayo bartamaha DDS. Itoobiya, Jabuuti iyo shirkadda Poly-GCL Petroleum ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya $4 billion oo ay qayb ka tahay dhismaha 700 km oo dhuumo waawayn oo gaaska u qaada dakadaha Jabuuti. Mashruucan waxaa Itoobiya ka soo gali doona $7 billion sannad walba. Jabuutina waxay ka heli doontaa faaiidooyin waawayn sida dhismaha warshad qaboojisa gaaska dibaddana u dhoofisa. Degaannada dhuumaha la marinayo waxaa ka jira tartan adag, gaar ahaan dhulka ay isla degaan Cafarta iyo Ciisaha. 

Kaarka Jabuuti:  Awoodda siyaasadeed ee Jabuuti waxaa qaybsada Ciise iyo Caafar. Madaxwaynaha waa Ciise, Raisul Wasaarahana waa Cafar. Xildhibaannada Baarlamaanka iyo golaha wasiiradana si is le’eg ayay u qaybsadaan. Mar kasta oo ay siyaasadda Jabuuti kulalaato ama ay la soo dersaan duruufo adag, ololaha iyo sawaxanku kuma ekaadaan xuduudaha Jabuuti. Waxay u soo tallaabaan dhanka Itoobiya, gaar ahaan degaannada Cafarta iyo Ciisaha. Labada qoloba waxay isku dayaan inay adeegsadan xeelad kasta oo ay urkaan inay caawinayso ololahooda siyaasadeed. Laakin dawladda Jabuuti ayaa inta badan ku gacan sarraysa. Xiisaduhu waxay circa isku shareeraan xilliyada doorashada qaran ee Jabuuti. Beryahan olole doorasho ayaa ka jiray Jabuuti. Maantana waxaa loo dareeray doorashadii. Wargaysyada qaar ayaa qoray in Madaxwaynaha Jabuuti uu si ula kac ah u kicinayo Cafarta deggan Jabuuti iyo Itoobiyaba, isagoo u arkaa inay arrintan ka caawinayso in dib loo doorto markii shanaad. Haddii ay arrintan dhab tahay, waa suura gal in Ciisaha Itoobiya deggan Cafartana dersika ah iyagana lala beegsan karo abaabul siyaasadeed oo xudduudda uga soo tallaaba. 
Gunaanad 
Colaada u dhexaysa Cafarta iyo Soomaalida ma aha mid iska dhacda oo ku kooban degaannada iyo bulshada deriska ah. Waxay ku daaban tahay sababo, ujeeddooyin iyo duruufo is barkan oo la xiriira taariikh, juquraafi, cimilo, siyaasad, isir, dhaqaale, maamul. Mararka qaar waxay lugaha la galaysa dano iyo dalal shisheeye. Marka la isku wada daro oo miisan la saarana, culayska. Khatarta, iyo khasaaraha waxay inta badan ku dhacayaan dhinaca Soomaalida. Sidaa darteed, xukuumadda iyo waxgaradka DDS waa inay mar walba dersaan fiiro gaar ahna u yeeshaan ajendooyinka badan iyo halisaha daran ee ku hoos jira dagaal hubaysan oo lala galo qowmiyadda Cafarta. Arrinta kuma koobna qowmiyadaha Cafarta iyo Oromada oo aan xudduud la leenahay. Waxaa qayb ka noqon kara qowmiyado aan Soomaalida deris la ahayn, laakiin DDS wax ka deggen ama ka shaqaysta, dawladda Itoobiyana miisaan iyo saamayn wayn ku leh. Sababo taariikheed awgood, Axmaaro ayaa qolyahan ugu tun wayn, laakiin waxaa soo raaca dad hadda aan badnayn oo ka kala yimid shucuubta Koonfureed iyo degaanno kale. Qodobbo badan oo ay ugu horrayso qaaciddad iyo istraatajiyada ay ku dhisan tahay Itoobiya ayaa ka hiilinaya isirka Soomaalida. Dadaal iyo geesinnimo kasta oo ay ka muujiyaan saaxadda siyaasadda iyo goobaha dagaalka, waxaa mar walba Soomaalida sugaya gacan bidixayn, dhagar iyo dhabar jabin. Madaxda, siyaasiyiinta iyo waxgardka Soomaalida fikirkooda iyo aragtidooda ha isugu geeyaan inay wax ka baddalan ama meesha ka saaraan qaaciddada mariidka badan ee ku dhisan saska iyo isir nacaybka ku wajahan qowmiyadda Soomaalida. Inta taa laga gaarayo xukuumadaha DDS yayna ku degdegin ama lagu qadaanqadin colaado iyo dagaallo guul iyo guul darraba iyaga eedda la saari wax isbaddal ahna aan keenayn. Dhiig iyo maal wixii la hayo yaan lagu riiqin dagaalladan noocan ah. Istraatajadii koobaad ha ahaato in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo nabad. Tan labaad, Maamulka Dire Dawa iyo Dawladda Jabuuti qayb haka noqdan xakamaynta iyo xallinta colaadda Cafarta iyo Soomaalida. Waxaa suuragal in Dire Dawa iyo Jabuuti ay ka miisaan cuslaadaan kana saamayn waynaadaan Xukuumadda Dawlad Degaanka Soomaalida. Haddii lagu duulana in la is difaaco aadna loo yareeyo khasaaraha naf iyo maal.
,

The Butcher of Jail Ogaden Does Not Deserve a Warm Welcome in Jijiga

By Hassan Keynan

Haile Mariam Desalegn (HMD) aided and abetted war crimes and crimes against humanity when he was Deputy Prime Minister to the late tyrant Meles Zenawi.

HDM perpetrated war crimes and crimes against humanity, including use of starvation and rape as weapons of war, when he was Prime Minister (2012-2018).

Haile Mariam Desalegn is the man who said he was unaware of the existence of Jail Ogaden and the two-decade long Crimson Terror unleashed across the vast plains of the Ogaden when he left power. He chose denial and deception over truth and justice.

The former Prime Minister of Ethiopia:

1) Has the blood of an estimated 60,000 innocent civilians who were murdered in the vast killing fields of the Ogaden. The actual number could reach 100,000.

2) Is accused of the systematic use of starvation & rape as weapons of war on his watch as confirmed by recently released diplomatic cables.

3) Presided over the ugly and criminal transformation of Schools and health facilities into military bases prisons, torture dungeons, and rape dominions.

4) Stands accused of mobilizing and deployed the entire machinery of the Ethiopian State in the service of state-sponsored terror and mass slaughter. On his watch, even the courts were complicit in the commission of these egregious atrocity crimes.

5) Is a coward who has no shame and lacks conviction and credibility. He doesnt have an iota of moral fiber or a modicum of human decency in him. His status is a potential war criminal.

Jigjiga is the location of the notorious Jail Ogaden, the labyrinths of infernal terror and torment he helped created and ran with total impunity for a decade

His arrival and warm welcome in Jigjiga is an affront to human dignity and a disgraceful attempt to rehabilitate a war criminal.  The gut-wrenching cries of his victims and harrowing ululations of grief stricken multitudes that emanate from Hell Ogaden will be most certainly be louder than the sycophantic chants sang in his praise.

 

His only path to salvation is to come clean and shed light on the egregious crimes perpetrated by the criminal state he had led, and atone for his sins.

However, should he fail to do so, he may rot in jail in this world and burn in hell in the Hereafter.

 

MAXAA LA GUDBOON JWXO (ONLF):SI MAANTA LOO BADBAADO BERRINA LOO BADHAADHO

Laba sano ka hor maanta waxaan qalinka ku duugay qoraal kooban, anoo markaa isku dayayay inaan falanqeeyo Xukuumadda DDS wixii talo ahna aan ka dhiibto. Qof walba wuu aqrisan karaa laba sano kadib wixii dhacay iyo xaalka meesha u marayo maanta.

Maantana waxaan doonayaa inaan diiradda saaro JWXO wixii talo ahna aan u gudbiyo. Ma aha markii u horraysay ee aan fikirkayga la wadaago JWXO. Gudoomiyhii hore Mudane Maxamad Cumar Cusmaan iyo Guddoomiyaha maanta Mudane Cabdiraxmaan Sh. Mahdi iyo madax kaleba horaan u kulannay marar badanna aragtidayda waan u gudbiyay. Waxaa ugu dambeeyay 2018 oo aan Asmara kula kulmay iyo 2019 oo aan Jigjiga kula kulmay. Ma hubo wax cadyn ahna uma hayo in talooyinkaygii hore ay qaateen ama dhaqangaliyeen. Siday yeeli waa mid iyaga urur ahaan u taalla. Laakiin waxaan qirayaa inay si xushmad leh ii soo dhaweeyeen iina dhagaysteen. Maantana hawada ayaan talo u marinayaa. Waxaanan ka rajaynayaa inay akhriyaan, dabeedna sida la qummanaata ama ay ka badin waayaan ay yeelan, sidii horeba u dhici jirtay.

  1. Qaddiyadda aanu ka hadlayno waa qaddiyad Soomaaliyeed oo xaq ah. Dhiig iyo qiima aan la qiyaasi Karin ayaa ku baxay. Laakiin ururrada ama shaqsiyaadka halganka hoggaamiya waa baanii aadam. Way khaldami, wayna ilduufi. Dib-u-fikir iyo qiimayn joogta ah waa lagama maarmaan. Weliba marka ay jiraan xaalado cakiran haliso badanna xambaarsan in dib la isugu noqdo si qota dheerna wax loo falanqeeyo waa lagama maarmaan. Maanta maalintaa ayaa la taagan yahay. Waa maalin daran. Talo iyo Tamar wixii la hayo hadda ayaa loo baahan yahay si maanta loo badbaado, beerina loo badhaadho.
  2. Sax ayay ahayd in nabadda la qaato oo dariiq nabad ah arrimaha masiiriga ah lagu raadiyo. Laakiin waxaa muuqata siyaasadaha cakiran ee Itoobiya iyo halisaha badan ee ka oogan Geeska Afrika ay abuureen xaalado kicin kara ama loo adeegsan karo xiisado iyo colaado halis galin kara nabadda iyo xasilloonida degaanka si fufud oo aan laga fiirsaninna wax badan u halayn kara. Cadaw badan oo ay qaddiyaddan leedahay ayaa mus walba ku jira. JWXO waxaa waajib ku ah inay indhaheedu furnaadaan ayna feejignaadan si aanay u noqon yool ay ku toog bartaan xoogagga kala duwan ee Itoobiya ee qaddiyadda Soomaalida saska ba’an ka qaba.
  3. Fursadda ugu fiican waa in ay wada shaqayn fiican yeeshaan xukuumadda DDS iyo JWXO. Wada shaqayn buuxda oo aan xanaf lahayn siyaasadda Itoobiya kama suuragasho. Cilladaha yimaaddana ma aha in dusha loo saaro Madaxwayne Mustfa iyo Guddoomiye Maaday keligood. Caqabado badan oo jira waxaa ku lug leh Xukuumadda federaalka ah iyo xoogagga kale ee ku loollamaya hoggaaminta Itoobiya.
  4. Haddii ay suuragali waydo wada shaqayn iyo afgard dhexmara Xukuumadda DDS iyo JWXO, waxaa habboon in xisaabta iyo naqshadda dib loogu noqdo, si xasilloon oo caadifad aan lahayna loo fikiro, istraatajiyo cusubna la falkiyo.
  5. Istraatajiyada koobaad waa inay ahaata maxaa laga yeeli doorashada. Intiinna ardaaga fadhida ayaa lagu tuhmi inay xogogaal yihiin, si dhab ahna u cabbiri karta fursadaha muuqda, caqabadah jira, iyo halisaha ku teedsan dariiqii la qaadaba. Laakiin waxaa jira macluumaad cam ah iyo ifafaalooyin muuqda oo mudan in la tixgaliyo laguna darsado xisaab kasta oo la miisayo.
  6. Itoobiya doorasho ma ka dhacaysaa? Hadday doorasho dhacdo miyay noqon dorasho xor ah caddaaladna ah? Degaanka Soomaalida ma degaannada kale ayuu kala mid ahaan doorashada, mise sidii horeyba u dhici jirtay si gooniya oo macmal ah ayaa loo maamuli? Su’aalahan cidna si buuxda oo sugan ugama jawaab karto maanta. Haddii waayaha, taariikhda, iyo hiddaha Itoobiya la fiirsho se, jawaabaha la faili karo ma aha kuwo lagu farxi. Itoobiya dhaqan iyo hiddo uma laha dimuqraadiyad iyo doorasho xor ah. Degaanka Soomaaliduna sidii la rabo ayaa laga yeeli jiray.

Haddaba hadduu xaalku sidaa yahay, waxaa habboon inay JWXO aad uga fiirsato waxay ka yeeli lahayd doorashada, mar haddii aan la hubin inay dhici, hadday dhacdana ayna xor noqonayn. Waxba laga dheefi mahayo iska horimaad iyo xiisado joogta ah oo dhex mara DDS iyo JWXO waxa ka soo bixina aan la garanaynin. Taa badalkeeda halaga fikiro in DDS iyo JWXO ay ku heshiiyaan hindisooyin siyaasadeed oo degaanka nabadiisa sii adkaynaya horumar cusubna keeni kara.

Markaad qiimayso xaaladaha cakiran ee jira iyo halisaha ay xambarsan yihiin, waxaa habboon in la tixgaliyo talooyinkan.

  • In DDS iyo JWXO ay ka wada shaqeeyaan hindise (Platform) doorashada lagu galo.
  • In JWXO ay ku qanacdo ama lagu qanciyo inaanay doorashada soo socota ka qayb galin.
  • In DDS ay garawsato in nabadda la haysato ay ka dhalatay heshiiskii nabadda ee ay JWXO la gashay Itoobiya, ayna abuurto fursado degaanka loogu soo dabaali karo siyaasad xasilloon, nabad waarta iyo horumar tayo leh.

Waa arrin suura gali karta kaddii laga wada shaqeeyo, geesinnio iyo dulqaadna lala yimaaddo.

Allah ayaa garan oo iftiimiya talada khayrku ku jiro.

Hassan Keynan

Ali Juju and the 54 Thieves

 

It is that time of year
The incumbent strongmen of Africa
Assemble for their grand Jamboree affair
In the City of Flowers*
Where the seasons Suddenly fly
Into a magical universe of unseasonable bliss
Light years away
From the epidemic of misery and tyranny
Sweeping the lands and peoples
They lead and leave behind.
 
It is that time of year
When the godfathers
Of the power cartel Africa Unlimited
Demented monarchs
Veteran despots
Military dictators
Ailing autocrats
Rebel commanders
Revolutionary demagogues
Pseudo-nationalists
Scheming warlords
Rent-seeking opportunists
Megalomaniac usurpers
Ethnic supremacists
Tribal chauvinists
False prophets
Fake democrats
Predatory conmen
Messianic lunatics
delusional saints
Naïve realists
Flock to the Illusions Capital of Africa
And pack the soulless corridors and haunted chambers
Of the hermetically sealed Africa Hall
Peddling the peculiar pan-African leadership fetish
That has kept the cradle of humanity and its teeming masses
In perpetual anomie and bondage.
 
This year
The lords of intrigue
Flanked by mercurial aid lords and vulture capitalists
Gather in the Machinations Capital of Africa
For yet another malefic spectacle
Of the linchpins of oligarchy and kleptocracy
Proclaiming a rapturous, clinical, clean break
With the lucrative rackets
And privileged patronage networks
That keep their decadent dominions afloat.
 
In this special year
The 55th anniversary of the long-tailed calamity
The master weavers
Crown their landmark 30th Union Summit
With a bizarre episode
Of the one thousand- and one-night African beauty
Featuring the mega thriller
Ali Juju and the 54 thieves.
 
In the Africa Unlimited scheme of things
A dark Orwellian cabal holds sway.
Sovereignty is majestic void
Predation is power
Tyranny is liberty
Bondage is freedom
Poverty is progress
Violence is peace
Reign of terror is rule of law
Humiliation is dignity.

Beautiful Africa blossoms in gore and despair.

*Addis Ababa
 
© 2018 Hassan A. Keynan

ETHIOPIA: AN ENGINE OF INSTABILITY & SUBVERSION IN THE HORN OF AFRICA

 

Ethiopia has never been an anchor of stability in the Horn of Africa region. Those who associate Ethiopia with peace & stability are either exhibiting awful ignorance, peddling pure fiction, or engaging in elaborate deception.

The truth is that Ethiopia has been an engine of instability spewing out signature terror regimes at home. Red Terror by the military junta led by the Marxist demagogue Mengistu Haile Mariam. Crimson Terror in the Ogaden unleashed by the mercurial Meles Zenawi and his EPRDF minions and reprobates. And Rose Terror perpetrated across Oromia by the self-proclaimed and delusion-prone King AAA.

Abroad, Ethiopia has, during the past 60 years, been busy waging calamitous hegemonic adventures or subversive dirty wars in Somalia, Djibouti, Eritrea, Sudan, South Sudan, and Kenya.

Even the biggest and most powerful symbol of peace, the Nobel Peace Prize, could not stop the latest unelected dictator from this toxic and ruinous affinity with violent conflict and destruction.

Those who have born the brunt of Ethiopias relentless reigns of terror, catastrophic & costly wars, and their corrosive and ruinous legacies are the real and most authentic voices to assess and judge their tormentor.

 Remain undeceived!

SELECTIVE AMNESIA, SELECTIVE SILENCE, SELECTIVE OUTRAGE: THE CURSE OF ETHIOPIA’S POLITICAL CLASS

 Hassan Keynan

Hailemariam Desalegn, Former PM of Etiopia

The piece published in Foreign Policy today – Ethiopia’s Government and the TPLF Leadership Are Not Morally Equivalent – is obviously well timed to preempt or deflect any criticism or inconvenient truths the planned UN Security Council meeting this afternoon on the civil war in Ethiopia may throw up. The piece may or may not have been authored by Ato Haile Mariam Desalegn. It bears his name but there is mention of a US-based lobby firm being involved in crafting the piece. Whatever the truth, Haile Mariam Desalegn seems to suffer from a perennial affliction which is the curse of the Ethiopian political class:  Selective amnesia, selective silence, selective outrage.

Haile Mariam Desalegn is the man who said he was unaware of the existence of  Jail Ogaden and the two-decade long Crimson Terror that EPRDF/TPLF unleashed across the vast plains of the Ogaden on his watch both as Deputy Prime Minister to Meles Zenawi and Prime Minister (2012-2018). The current Prime Minister was also a senior Military Intelligence Officer at that time, and therefore complicit in the atrocity crimes perpetrated in the Ogaden. Jail Ogaden constituted labyrinths of infernal terror and torment that conjure up images of the archetypal categories of hell described in scripture and classical literary work.

The methods, tools and techniques for mass incarceration, torture, mass humiliation, and mass slaughter pioneered and perfected at Jail Ogaden were rolled out and scaled up across 6 of the 9 Zones in the Somali Regional State (SRS) inhabited by 2.4 million people. The Jail Ogaden in Jigjiga was transformed into a vast open prison-house during the signature EPRDF Terror campaign I refer to as Crimson Terror.

Approximately 60,000 innocent civilians were murdered in the vast killing fields of the Ogaden.    Some estimates put the number at 100,000. Garroting was widely used as a method of execution. And in Jail Ogaden when a victim was tortured to death the murderers cheered, in Amharic, A bulb burned out.Mass starvation & systematic rape were used as weapons of war as revealed in diplomatic cables released by Wikileaks. Schools and health facilities were transformed into military bases and prisons. Food donated by the international community was seized by the military and sold to traders in neighboring countries.  Wells were capped. Many villages and towns were burned as documented by human rights organizations. Over 250,000 fled to Djibouti, Kenya, Somalia and Yemen.

The entire machinery of the Ethiopian State was mobilized and deployed to execute the Crimson Terror Campaign. Even the courts were complicit in the commission of these savage state-sponsored atrocity crimes.

Jail Ogaden and the entire Crimson Terror campaign across the Ogaden are now recognized as Ethiopias contribution to the infrastructure, implements, methodology, and terminology of mass slaughter, and arguably even genocide.

Haile Mariam Desalegn saw no evil and heard no evil when tens of thousands were slaughtered and entire communities were wiped out by the Ethiopian Defense Forces across the vast killing fields in the Ogaden when he was in power as the TPLFs right hand man and its handpicked Deputy Prime Minister to TPLF Guru, Meles Zenawi.

Now he says he remembers that the TPLF is a criminal enterprise.”  If he had an iota of moral fiber or a modicum of human decency in him, Ato Hailematiam would have intervened when tens of thousands were sagely slaughtered on his watch. Selective & convenient outrage is the hallmark of cowards.

Tyranny has deeper roots in Ethiopia.

May freedom prevail in the prison-house of nations and everywhere in our world where tyranny has a foothold.

Hassan Keynan is a former Professor and a senior retired UN official who worked in Africa, Asia and Europe

MUDANE XASAN KHAYRE XILKA HA KU WAREEJIYO CIDDII UU U HAYAY: SHACABKA SOOMAALIYEED

Haddii ay run tahay warqadda baraha bulshada wareegaysa ee uu RW hore ku codsaday inuu xilka ku wareejiyo RW cusub “si waafaqsan Dastuurka JFS, shuruucda dalka iyo dhaqanka dawladnimo;”

Haddii ay dhab tahay in RW hore loo diiday inuu xilka ku wareejiyo RW Rooble;

Muwaadin Xasan Khayre xilka ha ku wareejiyo ciddii uu markii horeba u hayay: shacabka Soomaaliyeed. Laba dariiq ayuu u mari karaa xil wareejinta:

1) Nuqul qoraal ah ha u gudbiyo Guddoonka Golaha Shacanka, Guddonka Aqalka Sare, iyo Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyada. Dabeedna warbaahinta haka caddeeyo inuu sidaa sameeyay.

2) Haddii (1) laga hor istaago, waa inuu xil wareejinta ku daabacaa Internetka  warbaahintana la wadaagaa, isagoo madoobaynaya ama ka saarayaa macluumaadka xasaasiga ah.

Muwaadin Khaire siduu sheegay wuxuu u sharraxan yahay xilka MADAXWAYNAH JFS. Muwaadiniinta uu doonayo inay doortaan ama ay kalsooni siiyaan waxay uga fadhiyaan inuu la wadaago si buuxda oo hagar la’aan ah dhacdooyin waawayn, xadgudubyo dastuuri ah, go’aamo masiiri ah iyo gabbodfallo dhacay intii uu RW ka ahaa dalka: Tusaale:

1) Garbaduubkii Muwaadin Qalbidhagax.

2) Afgambigii Golaha Shacabka ee Guddoomiya Jawari loo maleegay.

3) Is-Fahamkii Itoobiya lala gaadhay ee ku saabsanaa 4 dakadood oo Itoobiya lagu wareejinayo ama ay maalgalin ku samaynayso, iyo arrimaha la xiriira is-dhexgalka Geeska Afrika.

4) Faragalintii ciidama Itoobiya ay faragaliyeen doorashooyinka dalka.

5) Sababihii keenay xil-ka-qaadistii lagugu sameeyay iyo qaabkii ay u dhacday.

Waxaa kale oo aad shacabka Soomaaliyeed la wadaagi kartaa Waxaad ka ogayd ama aad kala socotay go’aammadii iyo hindise sharciyeedyadii ay gudbisay xukuumaaddi dhacday intii u dhaxaysay maalinkii xilka lagaa qaaday 25 July iyo maalinkii la magaacaabay RW Rooble 16 Sebtember 2020.

Haddaad intaa samayso waxaad gudatay waajib ku saaran waxaadna soo celisay ammaanadii aad u haysay qaranka Soomaaliyeed.

keynanhassan@yahoo.com

Tyranny Is Ethiopian: A Poem

 

Tyranny is Ethiopian

A perennial anomie

Deeply embedded

In the architecture

And political culture

Of the prison house of nations.

 

Tyranny is Ethiopian.

Every aspiring despot

Inherits a predatory throne

Undergirded by fraud, violence, bigotry

Predation and blood-drenched narratives

To author and unleash

His own signature terror regime.

 

Mad Mengistu

had his multi-purpose Red Terror campaign

Coupled with endless bloody wars.

 

Mercurial Meles

Crafted his own Crimson Terror regime

Complete with brand new implements

And terminology of Terror

And savagely unleashed it

Across the vast plains of the Ogaden.

Who can forget

The notorious Jail Ogaden?

With its macabre methods

Of torture, mass humiliation, and mass slaughter.

 

Delusional Abiy

Lashes out at Oromia

With his murderous Rose Terror

Modeled on the mayhem in the Ogaden.

Majestic landscapes

Blossom in gore and despair.

 

Tyranny is Ethiopian.

A lethal affliction

Blessed with a mighty rage

That consumes

The tyrant and all the people

Of his accursed dominion.

 
© 2020 Hassan Keynan

Urgent Priorities for Somalia’s New Prime Minister

Mohamed Roble, Newly appointed Prime Minister

The Prime Minister appointed by Somalia’s President yesterday needs and deserves the prayers and goodwill of all Somalis as well as Somalia’s true allies and friends. The circumstances and timing that define and inform his appointment are far from being ideal or opportune.

The country is deeply divided and unstable. The Provisional Constitution (PC) is in disarray and highly contested. The state and its federal institutions are fragile and extremely vulnerable to infiltration, destabilization, and even takeover by internal usurpers and/or external predators. Politics is toxic and in the throes of a cutthroat zero-sum game. Corruption is endemic and rife.  The government – executive, legislative, and judiciary – is under the stewardship of leaders unfettered by law, morals, patriotic duty, tradition, or decency. And the country is afflicted with a corrosive and delirious electoral madness.

This means the Prime Minister designate, Mohamed Hussein Roble, has a small and shrinking political space, a multiplicity of challenges that are formidable, complex and diverse, limited opportunities, scant enabling factors, and, most importantly, very little time. Mr. Roble, therefore, is saddled with enormous obstacles, the biggest and most lethal of which is his own boss.

What, then, could Mr. Roble do in the face of these crushing political, security, governance, electoral, and temporal constraints? In reality not much within the limited time and space available. He could, nevertheless, contribute to efforts aimed at pulling the country back from the abyss. The following are some of the key and most urgent actions he could consider to stabilize the country and prepare the nation for elections as per the agreement concluded between the Federal Government and Federal Member States (FMS) and within the framework of the PC:

Unilateral and illegal term extension: Holding elections every four years is arguably the single most stabilizing factor in Somali politics. Tampering with this constitutional requirement is reckless and dangerous. The new Prime Minister should stay clear of any attempt to even consider a unilateral and unconstitutional term extension. Such attempt is very likely to plunge the country into levels of conflict and chaos that could wipe out all the small incremental gains made during the past two decades.

Limit the dominance and excessive power of diaspora Somalis with dual citizenship in the government: There is not any country in Africa or elsewhere where so much power is concentrated in so few individuals with dual citizenship. The numbers are staggering. Access to the reins of power is quick, easy and unfettered for diaspora Somalis with dual citizenship. They hardly go through appropriate background checks. This has become a source of frustration and resentment among non-diaspora Somalis, who feel exploited and marginalized in their own country. The new PM should make every effort to ensure that Somalis who have only Somalia and Somali passport have fair representation and equitable share in the government.

Restore a measure of sanity in the FGS-FMS relationship: Implementing or even clearly understanding federalism has been immensely difficult across the country. The reasons for this unfortunate state of affairs are many, complex, and immensely diverse. However, during the tenure of President Farmaajo a new, lethal complication has been injected into the embryonic and fragile federal political edifice, especially in relation to Jubbaland and Puntland. Federal powers and resources have been deployed to politically destabilize and economically strangle these FMS for personal and partisan gains. These unfortunate and deeply divisive actions have caused a great deal of damage to the unity and cohesion of the nation. Mr. Roble needs to first prevent further and deeper erosion, followed by a series of confidence building measures to restore a sense of trust in the relationship.

End the reckless politicization of education: Politicizing and recklessly gambling with the education and future of young Somalis is unacceptable and unforgivable. It is very clear that the federal education portfolio is being used and deployed as a blunt political instrument to achieve political objectives. It is shameful to hold secondary school graduates and their parents from the Federal State of Puntland hostage for reasons that have no basis in constitution, law, precedent, or even common sense. The new Prime Minister should put an end to this madness. There is isn’t any profit or meaningful gain from this insane undertaking for anyone except weak and insecure men with power in the service of big and fragile egos.

Curb the runaway state and regulatory capture: There is credible evidence of a well-organized and sophisticated state and regulatory capture scheme involving powerful local groups and influential external actors with vested strategic interests in the country. Aspects of these have been evident in the weeks following the ouster of the previous Prime Minister, Hassan Khaire. Mr. Roble should examine these ominous developments, specially the decisions and promulgations that were approved or implemented between 25 July and 16 September 2020.

These propositions could be a tall order for the new Prime Minister. He may find them difficult to achieve given the limited time at his disposal. More importantly, his boss would most probably try to steer him in a completely different direction, one more in line with the electoral ambitions and partisan calculations of President Farmaajo and Company. Whichever situation he finds himself in, Mr. Roble has a duty to look after the broader interests of the nation.

If for whatever reason the new Prime Minister finds it impossible to defend the Constitution and loyally serve the nation, he must do no more harm.


Hassan Keynan is a former Professor and a senior retired UN official who worked in Africa, Asia and Europe